Dhaawacyada weerarkii Kismaayo oo loo kala qaaday Muqdisho iyo Nairobi

666

Dadkii ku dhaawacmay Weerarkii qaraxyda iyo Tooska ahaa ee Al shabaab ku qaadeen Hotel-ka Cascaseey ee Magaalada Kismaayo ayaa Maanta loo kala qaaday Magaalooyinka Muqdisho iyo Nairobi.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland  Axmed Maxamed Islaam ayaa garoonka diyaaradaha Sayid Maxamed Cabdulle Xasan kusii sagootiyay dhaawacyo loo qaaday Magaalooyinka Nairobi iyo Muqdisho si xaaladooda Caafimaad loola tacaalo.

Dhaawacyada ku aadka u daran ayaa maanta loo kala qaaday Magaaladda Muqdisho iyo Nairobi si loola tacaalo xaaladooda Caafmaad.

Madaxweynaha ayaa ku sagootiyay dhaawacyada ayaa Alle ugu baryay in caafmaad deg deg siiyo Dadka ku dhaawacmay Weerarkii Al Shabaab ku qaadeen Hotel-ka Cascaseey ee Magaaladda Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubbada Hoose.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale boqolaal dadweyne ah kala qaybgalay Aaska Alle ha u Naxariistee dadkii ku nafwaayay weerarkii Shalay ilaa Xalay ka socday Xarunta Ku meel gaar ah ee Jubbaland.

Boqolaal dadweynaha Kismaayo ayaa maanta jooga qabuuraha Magaalada si ay ugu qayb qaataan Aaska dadkii ku dhintay Hotel-ka la weeraray ee Kismaayo.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo ayaa Xalay war ka soo baxay lagu amray Hay’addaha ku shaqada leh in ay gurmad deg deg ah u fidiyaan dadku waxyeeloobay Weerarka ka dhacay Kismaayo.

Image may contain: 9 people, people standingImage may contain: 4 people, people standing, sky, shoes and outdoorImage may contain: 1 person, standing and outdoor