
Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa warbixisay xaaladihii ugu dambeeyay ee kiisaska ku saabsan cudurka Covid-19.
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Covid-19 ee dowladda ku sheegtay in kiis oo cusub ee la diiwaan geliyay kiisas cusub kuwaasi oo ku kala sugan Gobalka Banaadir (41) iyo Puntland(13) iyo Hirshabelle (1).
Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa tilmaantay in 24 saac ee la soo dhaafay in 5 qof ay geeriyootay magaalada cudurka Corona Fayras.
Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sidoo kale sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay gaartay 44 ruux.
Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa hadda gaartay 928 sida ay Wasaaradda Caafimaadu sheegtay.
Soomaaliya gudaheeda waxa sii kordhaya dadka uu soo ridanaya xanuunka Corona Fayras iyo sidoo kale tirada dadka u dhimanaya.