DFS oo shaacisay kiisas cusub oo Corona Fayras ah

110
Wasiirka caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur oo ka warbixinaysa xogtii ugu dambeysay ee ku saabsan cudurka Corona Fayras.

Muqdisho – Wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa xogta dowladda ee 24 saac ee soo dhaafay ku sheegtay in 81 qof laga helay xanuunka Corona Fayras.

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya ayaa warbixinta maalinlaha ah ee xogta Covid-19 ee dowladda ku sheegtay 81 qof maanta laga helay xanuunka Corona Fayras ay ku kala sugan yihiin Gobalka Banaadir (44), Jubbaland ( 24), Puntland(6) iyo Somaliland (5).

Wasiirka Caafimaadka Soomaaliya Fowziya Abiikar Nuur ayaa sheegtay in 24 saac ee la soo dhaafay aysan jirin wax dhimasho ah oo u geeriyooday cudurka Corona Fayras.

Wasaaradda caafimaad Soomaaliya ayaa sheegtay in tirada dhimashada guud ee dadka u dhintay Coronavirus ee Soomaaliya ay hadda tahay 52 ruux.

Tirada dadka laga helay xanuunka Corona Fayraska ee Soomaaliya ayaa hadda gaartay 1,170 sida ay Wasaaradda Caafimaadu sheegtay.

Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegtay in 126 qof ay ka bogsadeen xanuunka.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay in guuud ahaan gudaha dalka uu ku sii kordhayo safmarka xanuunka Corona Fayras iyo sidoo kale tirada dadka u dhimanaya.

SHARE