DFS oo mar kale mamnuucday duulimaadyada tooska Kismaayo u taga

590

Muqdisho – Hey`adda duulista hawada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa soo saartay amar lagu mamnuucayo in diyaaradaha ka imaanaya Kenya ay toos uga degaan Kismaayo iyaga oo aan soo marin magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya.

Amar qoraal ah oo ka soo baxay hey`adda duulista ayaa diyaaradaha  toos uga imaan lahaa Nairobi ama meel kale oo Kenya , isla markaana gaari lahaa Kismaayo  lagu mamnuucay.

Dowladda Soomaaliya ayaa maalin ka hor xayiraaddii ka qaaday magaalada Kismaayo, iyada oo ay halkaasi gaareen siyaasiyiin horay ay dowladdu uga hor istaagatu tagista Kismaayo.

Amarka dowladda ayaa kusoo aadaya iyada oo lagu wado in magaalada Kismaayo ee xarunta ku meel gaarka ah ee  Jubbaland lagu qabto xafladda caleema saarka Madaxweyne Axmed Madoobe.

Dowladda Soomaaliya ayaa ka hortimid doorashadii Axmed Madoobe, waxaan ay dowladda dhawaan soo saartay habraaca maamul cusub loogu dhisayo gobolada Jubbooyinka iyo Gedo.

5tii bishaan October ayaa waxaa magaalada Kismaayo ka degay diyaarad sidday siyaasiyiin ay ka mid yihiin Madaxweyneyaashii hore ee Galmudug iyo Koonfur Galbeed kuwaas oo ka kicitamay magaalada Nairobi.

Dowladda Soomaaliya ayaa cabasho ka dhan jabinta amarkeeda u gudbisay hey`adda duulista ee Qaramada Midoobay ee ICOA. Waxay kale oo ay dowladdu u yeertay safiirka Kenya u fadhiya Soomaaliya kaas oo loo gudbiyay ashtako ka dhan ku xadgudubka Kenya ee hawada Soomaaliya.