DFS oo Daah-furtay Diiwaangelinta Diyaaradaha iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha

767

Muqdisho: Wasiirka Gaadiidka iyo Duulista Hawada Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Salaad (Oomaar), ayaa si rasmi ah Daah-furay maanta diiwaan-gelinta Diyaaradaha Iyo Ruqsad-siinta Xirfadleyaasha.

Wasiir Oomaar oo ka hadlay munaasabadda ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ay gelisay sanadihii la soo dhaafay dadaal basan dib u soo celinta Astaamaha Qarannimada oo aasaas u ah waayo cusub oo u bilowda Soomaaliya.

Wasiirka ayaa ku bogaadiyey dadaalka Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed iyo howlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada shaqada dib u habaynta ee ay ka qabteen nidaamka duulimaadka dalka.

Munaasabadda Daah-furka oo ay ka qeybgaleen qaar ka mid ah Safiirada dowladaha saaxiibka la ah Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Federaalka, milkiileyaasha Soomaaliyeed ee leh Shirkadaha diyaaradaha iyo hawlwadeenada Wasaaradda Gaadiidka, Duulista Hawada Iyo Hey’adda duulista Rayidka Soomaaliyeed ayaa wasiirka ku guddoonsiiyay oggolaansho shaqo iyo rukhsado caddeynaya aqoontooda shirkadaha duullimaayada iyo Duuliyaal Soomaaliyeed.