DfS: Mowqifka qaddiyadda kiiska badda waxba iskama beddelin

106

Muqdisho – Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa ka hadashay war ay baahisay warbaahinta qaar sidoo kalena baraha bulshada lagu faafiniyay oo ku saabsan in mowqifka Soomaaliya ee ku saabsan arrimaha badda ee Soomaaliya iyo Kenya uu isbeddellay.

War qoraal oo ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay inuusan jirin wax isbeddel ah oo ku yimid kiiska arrimaha badda Soomaaliya ay Kenya sheegaynaso in ay leedahay.

” Waxaan si cad u beeninaynaa wararka been abuurka ee lagu sheegay inuu isbeddelay mowqifka dowladda Federaalka Soomaaliya ee qaddiyadda kiiska horyaallaa maxkamadda ICJ”. Ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay Madaxtooyada Soomaaliya.

Gal dacwadeedka kiiska badda Soomaaliya ayaa horyaalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee ICJ ee magaalada Hague iyadoo la filayo in dhagaysiga dacwada uu furmo bisha September ee sanadkaan sida ay shaacishay dhawaan Maxkamadda ICJ.

SHARE