DFS iyo Ruushka oo shir muhiim ah ka yeeshay Deymaha lagu leeyahay Soomaaliya

527

Muqdisho, January 19,2022- Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Ruushka ayaa shir muhiim ah ka yeeshay arrimaha Deyn Cafinta Soomaaliya iyo iskaashiga wadashaqeynta ee labada dal ka dhexeeya.

Wasiirka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Cabdiraxmaan Ducaale Beyle ayaa habka Zoom-ka ee khadka Internet-ka wadahadal kula yeeshay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ee dowladda Ruushka Mudane Timur Maksimov iyagoo ka wadahadlay dib-u-habaynta dhaqaalaha Soomaaliya iyo heerka uu marayo geeddi-socodka Deyn Cafinta Soomaaliya.

” Waxa aan maanta wadahadal ku saabsan deyn Cafinta la yeeshay Wasiir ku xigeenka Maaliyadda ee Ruushka Mudane Timur_Maksimov. Waxaa aan ka wadahadalnay heerka uu marayo geedi socodka deyn_Cafinta ee Soomaaliya iyo Ruushka oo hadda meel gabagabo ah maraya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay soo dhaweynaysaa iskaashiga iyo taageerada Dowladda Ruushka ee ku aadan horumarinta dhaqaalaha iyo isbeddelka dib-u-habaynta nidaamka Maaliyadeed ee dalka”. Ayuu yiri Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya.

Dowladda Ruushka ayaa ka mid ahy 10 dal ee Paris Club la isku yiraahdo oo 9 dal oo ka mid ah sanadkii 2020- heshiiska deyn cafinta la saxiixday dowladda Soomaaliya, balse Ruushka wali Soomaaliya kama cafin lacagta deynta ah ee uu ku leeyahay.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Beyle waxaa uu sheegay in hadda heer gabagabo ah uu marayo wadahadallada hannnaanka cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya ayaa sheegay in lacagta deynta ah ee Ruushka Soomaaliya ku leeyahay ay gaarayso $7.5 milyan oo doollar Mareykanka ah.

SHARE