DFS iyo hoggaamiyayaasha mucaaradka oo kullan ka leh arrimaha doorashada 2020-ka

771

Madaxweynayaashaan hore ayaa dhawr jeer oo hore waxay walaac ka muujiyeen dib u dhac ku yimaada doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha Soomaaliya, sidoo kale waxay si kulul u dhaliileen hanaanka siyaasadeed ee uu dalka ku hogaaminayo Madaxweyne Farmaajo.

Dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay ajandaha kulan maanta ay yeelanayaan madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo hoggaamiyeyaasha madasha xisbiyada qaran ee mucaaradka ah.

Agaasimaha Xafiiska Waaxda warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Abdinuur Mohamed Axmed ayaa xaqiijiyay in maanta uu kulan dhex mari doono Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee Soomaaliya Cabdinuur Maxamed Axmed iyo Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheekh Shariif Sheekh Axmed, Kulankaan ayuu sheegay in ajandaha ugu wayn uu yahay arimaha doorashooyinka 2020.

”Kulanka maanta ay yeelanayaan Madaxweynaha JFS Mudane Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Madaxweyneyaashii hore Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Mudane Xasan Sheekh ajandihiisa ugu muhiimsan waa arrimaha doorashooyinka 2020 iyo sidii ay Xukuumadda ugala shaqeyn lahaayeen in hannaan doorasho oo hufan oo qof iyo cod ah ay dalka ka dhacdo, awooddana dib loogu celiyo shacabka Soomaaliyeed si ay u doortaan madax iyo xildhibaanno iyaga si toos ah wakiil uga ah” ayuu Abdinuur Mohamed.

Waxaa maalmahan socday dhaq-dhaqaaqyo ay dowladda Soomaaliya ku doonayso in ay wadahadal kula furto mucaaradka oo uu kala dhexeeyo khilaaf siyaasadeed mararka qaar heer kulkiisu meel sare gaaray.

Labada dhinac oo uu u dhexeeyay khilaaf siyaasadeed ayaa la filayaa in ay ka xaaltamaan dhacdooyinkii horay u dhacay isla markaana ay wada jeexdaan waddo cusub oo ay ku macaamili karaan mucaaradka iyo dowladda.