Deni oo ka hadlay khilaafka Puntland iyo Somaliland

70

Muqdisho (UM) – Madaxweynaha la doortay ee dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa ka hadlay qorshihiisa ku aadan arrimaha Puntland iyo arrimo kale oo dhawr ah.

Madaxweynaha cusub ee Puntland ayaa sheegay in dowladdiisa cusub ay wax ka qaban doonto ayna soo afjari doonto kooxda Al-Shabab iyo Daacish ee ka dagaalama qaar ka mid ah deegaanada ka tirsan maamulka Puntland.
Madaxweyne Deni ayaa sidoo kale ka hadlay xiriirka Puntland iyo dowladda Federaalka Soomaaliya oo khilaaf xooggaan kala dhexeeyay madaxdii Puntland ee isaga ka horreysay. Waxa uu sheegay inuu ka shaqayn doono dhismaha dowlad sal adag oo Soomaaliyeed.

Waxa uu sheegay in Puntland aysan doonin in ay wiiqanto ama la cuuryaamiyo dowladda Federaalka Soomaaliya, uuna madaxda dowladda Federaalka kala shaqayn doono dib u dhiska, xoojinta dowladnimada iyo dhamaystirka arrimaha dastuurka.

Madaxweyne Deni oo wareysi siinayay idaacadda BBC Somali ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafka Puntland iyo Soomaliland ka dhexeya. Waxa uu sheegay in Somaaliland iyo Puntland inuusan muran dhuleed ka dhexeynin balse Somaliland ay ku soo xadgudubtay dhulka Puntland sida uu hadalka u dhigay.

Madaxweynaha Puntland waxa uu sheegay in maamulka Puntland ujeedkiisu aysan dagaal ahayn, dhul ay muran uga jiraana uusan jirin balse Somaliland uu ka rajayno in ay ka baxdo oo farrisamahooda ku noqdaan.

Saciid Cabdullahi Deni oo horrey wasiir uga soo noqday Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa Madaxweynaha cusub ee Puntland ee 5 sanno ee soo socota loo doortay 8-dii bishaan Janaayo isagoo beddelayo Cabdiweli Maxamed Cali Gaas.

SHARE