Garoowe: Madaxweynaha maamulka Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni ayaa maanta kulan kula qaatay xarunta Madaxtooyada Puntland ee Garoowe Wafdi isugu jira Qaramada Midoobey, Midowga Yurub , Midowga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD.
Wafdigaan ayaa waxaa hoggaaminayay Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga.
Madaxweynaha Dowladda Puntland Siciid Cabdullaahi Deni ayaa la wadaagay wafdigan aragtida Puntland ee ku aadan in dalku ka gudbo marxaladda uu hadda marayo si ay u dhacdo doorasho xor iyo xalaal ah oo wakhtigeeda ku dhacda taasi oo lagu wada qanacsanyahay.
“Wuxuu ahaa kulan wakhti fiican qaatay, Dowladda Puntland waxay la wadaagtay sidii looga gudbi lahaa marxaladda lagu jiro , sidii loo heli lahaa Doorasho xor iyo xalaal ah oo lagu kalsoonyahay, oo sharciyad wanaagsan dalka u yeelata. Ayuu yiri Madaxweyne Deni.
Waxa uu tilmaamay in hawlo badan lasoo qabtay muddadii u danbeysay, laga soo bilaabo heshiiskii 17-kii bisha 9-aad lagu galay Muqdisho Madaxda Dowladda Federaalka ah iyo Madaxda Dowladdaha xubnaha ka ah Dowladda Federaalka ah ay kuwada galeen, Baarlamaanka labadiisa Aqal ay ansixiyeen iyo kii u danbeeyay ee ku saabsana habraacyo loogu talagalay in lagu fududeeyo in doorashadaasi ku dhacdo.
Waxaa uu sheegay in ay dhiman tahay sidii howshaasi loo maamulihi lahaa oo dhinaca Doorashada iyo guddiyadoodii oo hadda gacanta lagu hayo, waxyaabo badan oo u baahan in la saxona ay ku jiraan, laakiin wadahadalo iyo shaqaa ka socota.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale xusay inuu rajeynayao doorasho wakhtigeeda dhacda oo kalsooni lagu wada qabo oo dhammaan dhinacyada daneynaya Doorashooyinkana ay ku qanacsayihiin, wixii tabasho oo ka jira qodobada qaarkoodna in laga wada gudbi doono.
“Aad baan uga mahadcelinaya in ay wafdigan noo yimaadaan waxaan rajeynayaa qodobadii aan ka wada hadalnay oo dhan inay ahaadaan qodobo dhaxal-gal noqon doona, oo wax ka tari doona deganaashaha dalka iyo horusocodka siyaasadeed ee dalka Soomaaliya, waxaana u rajeynaya mushtamaca Soomaaliyeed marxaladihii kala duwanaa ee ay soo mareen inay uga ambabixi doonaan marxalad deganaasho iyo nabadgelyo ay ku dheehantahay” Ayuu yiri Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni.
Wafdigaan ayaa ka koobnaa Ku-xigeenka wakiilka Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Raisedon Zenenga, Wakiilka Midowga Africa ee Soomaaliya Francisco Madeira, Wakiilka Midowga Yurub Soomaaliya Nicolas Berlanga iyo Wakiilka Urur Goboleedka IGAD ee Soomaaliya Jamal Ahmed Ibraahim.