Deni oo Garowe kulan kula yeeshay wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya

696

Garoowe – Wakiilka gaar ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray maanta magaalada Garoowe ee caasimadda dowlad Goboleedka Puntland.

Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay iyo wafdiga la socday ayaa kulan kula yeeshay Madaxtooyada Puntland Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni, Ku xigeenkiisa Axmed karaash iyo xubno ka tirsan Golihiisa Wasiiradda.

Kulankaan oo ahaa lugtii ugu dambeysay kulamo wadatashi ah oo ay ku tagay Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay dowladaha xubnaha ka ah Dowladda Fadaraalka ah ee Soomaaliya ayaa looga hadlay arrimo ay ka mid yihiin siyaasadda, Doorashooyinka iyo ammaanka oo ah arrimaha mudnaanta la siinayo 2020.

Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa sheegay in ay ka wadahadleen Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee Soomaaliya dardargelinlahaa xiriirka wadashaqayneed ee ka dhexeeya dowladda Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah, iyadoo ay dhicidoonaan kulamo intan kasii balaadhan oo looga hadlidoono doorashooyinka Soomaaliya ee 2021, iyo arrimaha ku saabsan deyn cafinta iyo arrimaha amniga sidii horumar looga gaari lahaa.

“Waxaa maanta magaalada Garoowe nagu soo booqday wefti uu hogaaminayo Wakiilka Qaramada midoobey ee Soomaaliya Mr. James Swan, Midawga Yurub, Midawga Africa iyo Urur Goboleedka IGAD, waxaan ka wadahadalnay dhawr arrimood oo khuseeya horumarka la rabo in laga gaadho dhinaca siyaasadda, Amniga iyo dhaqaalaha, wuxuu ahaa kulan aad u wanaagsan oo aan aragtiyo aad u badan aan isku weydaarsanay, sidii loo dardargelinlahaa horumarna looga gaadhi lahaa arrimaha hortaagan in Dowladda Soomaaliya hore u dhaqaaqdo”. Ayuu yiri madaxweyne Deni.

Ambassador James Swan ayaa dhankiisa sheegay in safarkiisa Garoowe ku saabsanaa in ay ogaadaan aragtiyada masuuliyiinta, odayaasha iyo bulshada rayidka ah.

“Halkan Puntland waxaa yimi wakiillo ka socda saaxiibada Soomaaliya, si ay u ogaadaan aragtiyada masuuliyiinta, odayaasha iyo bulshada rayidka ah ee Puntland,” ayuu yiri Ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya, James Swan.