Deni oo gaaray Kismaayo

970

Kismaayo – Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Saciid Cabdullahi Deni ayaa maanta gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta dowlad Goboleedka Jubbaland.

Wafdiga Madaxweynaha Puntland Saciid Deni ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaraha ee magaalada Kismaayo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madobe iyo xubno ka tirsan Xukuumaddiisa.

Madaxweyne Deni ayaa u tagay magaalada Kismaayo ka qeybgalka munaasabadda caleema saarka Axmed Madoobe oo la filayo in ay dhacdo toddobaadkaan.

Safarka madaxweyne Deni ee Kismaayo ayaa iyadoo la sheegay in dowladda Federaalka Soomaaliya ay qaaday xanibaadii saarnayd duulimaadyada diyaaraha aada magaalada Kismaayo sidoo kale ka qaaday xayiraadii dhanka safaaradda ah ee saarnayd siyaasiyiinta caanka ah oo ay ku jiraan madaxweyneyaashii hore.

Waxa sidoo kale la filayaa in ay garaan maanta Kismaayo Madaxweyneyaashii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed. Horey waxaa magaalada Kismaayo ugu sugnaa siyaasiyiin caan ah oo ay ka mid yihiin madaxweyneyaashii hore ee Koonfur Galbeed iyo Galmudug Shariif Xasan Sheekh Aadan iyo Cabdikariin Xuseen Guuleed.