Deni oo gaaray Jabuuti

772

Jabuuti – Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland Siciid Cabdullaahi Deni iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Jabuuti ee caasimadda dalka Jabuuti.

Wafdiga madaxweynaha Puntland ayaa waxaa ku soo dhaweeyay garoonka diyaaradaha ee Jabuuti, Guddoomiyaha Baarlamaanka Jabuuti Maxamed Cali Xumad, Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf, Wasiirka Warfaafinta Jabuuti Ridwaan Cabdullaahi Bahdoon, Wasiirka Tamarta iyo Kheyraadka dabiiciga ah Yoonis Ali Geedi, Safiirka Jabuuti ee Soomaaliya Ambassador Aadan Xasan Aadan.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa la filayaa in uu kulamo la yeesho Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle iyo mas’uuliyiinta kale ee dalka Jabuuti.

Waa safarkii ugu horreyay ee Madaxweynaha dowlad Goboleedka Puntland ku tago Jabuuti tan iyo markii la doortay bishii Janaayo ee sanadkii 2019ka.