Deni iyo Axmed Madoobe oo maanta Muqdisho tagaya

98

Muqdisho – Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland ayaa la filayaa in ay maanta soo garaan magaalada Muqdisho.

Waxaa magaalada Muqdisho ka socda qabanqaabada soo dhawaynta Madaxweynaha Puntland Saciid Cabdullaahi Deni iyo Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Madoobe. Labada Madaxweyne ee Puntland iyo Jubbaland ayaa ka filayaa in ah kulan la qaataan Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo masuuliyiinta kale ee dowladda Federaalka.

Imaanshiyaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland inta badan loo xiray waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho. Waxaa saaka waqti la xiray waddooyinka halboowlaha u ah isku socodka Caasimadda Muqdisho sida wadda wayn ee Makkah almukarama, waddada wayn ee dekadda Muqdisho, waddada 30 ka iyo kuwa kale ee gala Madaxtooyada Soomaaliya.

Shirka Wadatashiga ee Muqdisho ee u dhaxeeya Madaxweynayaasha dowlad Goboleedyada Puntland iyo Jubbaland iyo Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa timid markii dhawaan labadaan maamul shir ku yeesheen magaalada Garoowe iyaga warmurtiyeedka ka soo soo saaray, sheegayna in magalaada ay kulan kula yeelan doonaa.

Shirka Wadatashiga Muqdisho ee Puntland, Jubbaland iyo madaxda Dowlad Federaalka Soomaaliya ku saabsan in heshiis la isla oggol yahay laga gaaro arrimaha Doorashooyinka dalka.

Shirkaan ayaa la sheegay in aysan qeyb ka ahayn madaxda dowlad Goboleedyada, Galmudug, Koonfur Galbeed, Hirshabelle iyo Gobolka Banaadir oo iyagu ka qeybgalay shirkii Dhuusamareeb 3 ee heshii lagu saxiixay balse kan aan ka qeybgaleen.

Madaxda dowlad Goboleedyada Hirshabelle, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa horey u soo dhaweeyay shirkii Puntland iyo Jubbaland iyagoo sheegay in ay sidoo kale in shirka Madaxda Puntland iyo Jubbaland ay soo dhaweenayaan.

SHARE