Deni iyo Axmed Madoobe oo inta badan waddooyinka Muqdisho loo xiray

1054

Muqdisho – Waxaa saaka la xiray inta badan waddooyinka muhiimka ah ee caasimadda Muqdisho iyadoo loo xiray imaanshiyaha Madaxweynayaasha Puntland iyo Jubbaland oo maanta imaanaya magaalada Muqdisho si ay shir u la yeesheen Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan Madaxweyne Farmaajo.

Inta badan waxaa saaka xiran waddooyinka muhiimka ah ee Caasimadda Muqdisho iyadoo waqti hore la xiray waddooyinka halboowlaha u ah isku socodka gadiidka dadweynaha iyo dadka ee magaalada Muqdisho sida wadda wayn ee Makkah almukarama, waddada wayn ee dekadda Muqdisho, waddada 30 ka iyo kuwa kale ee soo gala Madaxtooyada Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Gobolka Banaadir midna kama uusan hadlin xiritaanka culuskaan oo dhan leh iyo in magaalada laga xiro waddooyinka muhiimka u ah.

Dadka reer Muqdisho ayaa aad uga carrooday waddooyinka saaka loo xiray Madaxweynayaasha maamulada Puntland iyo Jubbaland.

” Waddooyinka dhan waa xiran yihiin meel mara ama laga baxo malahan xitaa gaadiidka Dadweynaha ma raaci karno”. ayuu yiri qof ka mid dadka deggan degmada Waaber oo la hadlay warbaahinta UM.

Dadka aadka u isticmaala baraha bulshada ayaa dowladda iyo Gobolka Banaadir ku eedeeyay in aysan dan ka lahayn dhibaatada iyo dhibka dadka Muqdisho ku nool ay ku qabaan xirnaanshaha waddooyinka, iyagoo sheegay in labo masuul oo kaliya sidii wafti caalami ah oo kale magaalada oo dhan loogu xiray.

” Waddooyinka muhiimka noo ah oo dhan waa xiran yihiin saaka, ganacsigiina xitaa ma aadi karno si aan u shaqaysano. Saaka lug ayaan ku imaaday tukaankayga si aan u furo. Arrintaan dhib badan ayay nagu haysaa waa in dowladdu caqli kale la timaadaa” sidaas waxaa u sheegay UM Yaasin Cumar oo Muqdisho deggan.

Waddooyinka la xiro ee magaalada Muqdisho ayaa dhibaato fara badan iyo kaadeed kala kulmaan dadka ku nool magaalada Muqdisho taasi oo keenta in xitaa dadka xanuunsan ama degdeg isbitaal ugu baahan meel ay maraan gaadiidkii qaadi ama waddada laga celiyo.