Mogadishu (UM) – Waxaa xalay lagu qabtay garoonka Koonis ee magaalada Muqdisho ciyaarta ka dambaysta ahayd ciyaaraha degmooyiinka Gobolka Banaadir.
Ciyaarataan oo u dhexeysa degmooyinka Waaberi iyo Shibis oo ka tirsan Gobolka Banaadir ayaa xiisa gaar ah lahaa, iyadoo dadweyne aad u Fara badan oo kala yimid degmooyinka Gobolka Banaadir iyo taageerayaasha labada kooxood ay garoonka buux dhaafiyeen.
Ciyaarta waxaa sidoo kale daawashadeeda ka qeybgalay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo oo ugu hambalyeeyay Kooxda K/Cagta ee Degmada Waaberi guushii ay ka gaareen ciyaartii xalay 1-0 kaga adkaadeen Degmada Shibis, isaga oo sidoo kale bogaadiyay dadaalkii iyo ciyaar wanaagii ay muujiyeen ciyaartooyda Degmooyinka Shibis iyo Hodan oo galay kaalimaha 2aad iyo 3aad ee tartanka Degmooyinka Gobolka Banaadir.
Waa sanadkii labaad oo ciyaartoyda Degmada Waaberi ay qaado koobka degmooyinka Gobolka Banaadir.
Ciyaarataan ayaa sidoo kale si toos ah looga daawanayay telefishinada iyo baraha bulshada.