Shirkani dib u heshiisiinta ahaa oo loo qabtay bulshada ku nool Gobolka Gedo ayaa lagu soo geba gebeeyey degmada Doolow ee Gobolkaasi.
Shirka waxaa ka qeybgalay Mas’uuliyiin ka tirsan maamul Gobaledka Jubbaland gaar ahaana Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdirashiid Xasan Cabdinuur, Wasiiru ku xigeenka Arrimaha Gudaha Cabdiraxman Maxamed Xasan, Guddomiye kuxigeenka Gobalka Gedo sheikh Maxamed Xuseen Isaaq Al-qaadi Guddomiyasha Degmoyinka Gobalka Gedo iyo Bulsshada Rayidka.
Shirkan dib-uheshiisiinta ah ayaa waxaa uu socday muddo 5 maalmood ah.
Waxyaabaha ugu Waa wayn ee looga hadlayay shirkaasi ay ahaayeen is-dhexgalka bulshada Gobolkaasi iyo sidii loo heli lahaa dib-uheshiisiin rasmi ah.
Madaxda gabagabada kulankaasi hadal ka jeediyay ayaa bulshada ku dhaqan gobolkaasi ugu baaqey in ay nabadda iyo horumarka ka wada shaqeeyeen.
Shirkan ayaa la sheegay inuu bilow u yahay qorshe Ku aadan sidi loo heli lahaa waddooyinka sahli kara dhismaha Golayaashii deegaanka ee Gobolkaasi Gedo.