Deg deg: Taliyaasha Booliiska iyo Nabad sugidda oo la Eryay

751

War deg deg ah oo haatan aynu helayno ayaa sheegaya in golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay maanta oo Axad ah ay eryeen taliyaha hay’adda Nabadsugidda iyo Sirdoonka Qaranka Cabdullahi Maxamed Sanbalooshe iyo taliyaha ciidamada booliiska ee Soomaaliya General Saacid.

Arintan ayaa timid ka dib markii golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay Kulan deg deg ah ay Ku yeesheen magaalada Muqdisho kaasi oo daba socday weerar toos ah iyo qaraxyo dad badan ay Ku dhinteen oo ka dhacay magaalada Muqdisho.

Wasiirka warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya Cabdiraxmaan Cumar Cusmaan Yariisow ayaa warkan Ku xaqiijiyay Barta uu Ku leeyahay Twitter-ka.

SHARE