Muqdisho (UM) – Wararka hadda na soo gaaray ayaa waxaa ay sheegayaan in Maxkamadda Sare ee maamulka Galmudug ay go’aan ka soo saartay khilaafka hareeyay maamulkaas.
Maxkamadda Sare ee Maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sharci ka dhigtay xil ka qaadistii Madaxweynaha maamulkaasi.
War saxaafadeed ka soo baxay Maxkamadda oo uu ku saxiixna Guddoomiyaha Maxkamadda Sare Yaxye Sheekh Cali Maxamed, ayaa waxaa lagu sheegay in xil ka qaadistii Baarlamaanka Galmudug uu ku sameeyay Madaxweyne Xaaf 26-kii bishii hore ay aheyd mid sharci ah.
Maxkamadda ayaa sida warka ay soo saartay ku cad ay sharci ka dhigtay xil ka qaadistii dhowaan sidoo kale lagu sameeyay Madaxweyne kuxigeenka Maxamed Xaashi Carabey iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali Gacal Casir.
Waxaa kaloo Maxkamadda Sare ay sheegtay inuu xilkiisa waayay Guddoomiye kuxigeenka 1aad Xareed Cali Xareed oo ka maqnaa fadhiga 118 maalmood.
Maxkamadda ayaa waxay fartay Guddoomiye kuxigeenka labaad Maxamed Aadan Macalin inuu noqdo Kusimaha Madaxweynaha Galmudug.