Xildhibaanada Baarlamaanka maamulka Hirshabeelle ayaa maanta u doortay Madaxweynaha maamulka Hirshabeelle Mudane Maxamed Cabdi Waare ka dib doorasho ka dhacday Magaalada Jowhar.
Doorashadda oo ay ku tartamayay Musharaxiin gaaraya ilaa iyo sideed Musharax ayaa ugu dambeyntii, waxaa isku soo haray wareegii ugu dambeeyay Maxamed Cabdi Waare iyo sidoo kale Daahir Cabdulle.
Maxamed Cabdi Waare ayaa horay ula tartamay Madaxweynihii xilka laga qaaday Cali Cabdullaahi Cosoble.
Guddiga doorashada ayaa sheegay in Waare uu helay 74 cod ,halka Daahir Cabdulle Cawaale uu helay 23 cod, waxaana codeeyay 97 Xildhibaan.
Xildhibaanada Hirshabeelle ayaa xilka ka qaaday Madaxweynihii hore ee maamulka Hirshabeelle oo muddo ka yar sanad xilkaasi haayay.