Deg Deg: Hindiya oo mamnuucday Sharciga furiinka Islaamka

859

Maxkamadda Sare ee dalka Hindiya ayaa joojisay sharciga furiinka muslimiinta Ku nool dalkaasi.

Go’aan kasoo baxay maxkamadda Sare ee Hindiya ayaa lagu sheegay in sharciga furiinka islaamka ee dalkaasi ilaa iyo inta laga samaynayo sharci rasmi ah.

Dalka Hindiya oo ka mid ah dalalka ay Ku nool yihiin muslimiinta ugu badan ee caalamka ayaa markii hore loo ogolaa in ragga ay hablaha u furaan ayagoo Ku dhawaaqaya erayga furiinka muddo 3 jeer ah taasi oo haatan la mamnuucay.

Haweenka dalka Hindiya oo markii hore u dacwooday maxkamadda Sare ayaa soo dhoweeyay go’aanka maxkamadda, ayagoo markii hore Ku dooyay in xuquuqdooda lagu tumanayay.

Xaakimka maxkamadda Sare ayaa sheegay in maxkamadda ay joojisay sharciga furiinka muddo lix bilood ah.

Haweenka dalkaasi ayaa sheegay in gabdho badan la furay waliba ayadoo la adeegsanayo internet-ka gaar ahaan baraha WhatsApp-ka iyo Skype-ka.

Urur ay leeyihiin dadka islaamka ah ee dalkaasi oo lagu magacaabo Bharatiya Muslim Mahila Andola, ayaa kasoo shaqeeyay in la mamnuuco sharciga furiinka Hindiya.

Daraasaad la sameeyay ayaa lagu ogaaday in e 4,710 oo haween ah ay sheegeen in la mamnuuco sharcigaasi.