Deg Deg: Golaha Wasiirada oo ansaxiyay miisaanadda Qaran ee 2018-ka

836
Golaha wasiirada cod aqlabiyad ah ku ansixiyay in dhiibistii Qalbi Dhagax loo maray sifo sharci ah

Shir Golaha wasiirada ee Xukuumadda Soomaaliya ay Ku yeesheen magaalada Muqdisho oo uu shir guddoominayay ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Xasan Cali Khayre ayaa waxaa ay Ku ansaxiyeen miisaaniyadda 2018-ka oo golahu u soo gudbiyay wasiirka Maaliyadda Cabdiraxmaan Ducaale Beyle.

Miisaaniyadda Qaranka ee golaha wasiirka ay maanta ansaxiyeen oo ah miisaaniyadda 2018-ka ayaa gaaraysa $274 milyan oo doolarka Maraykanka.

Waxaa dhaqaalahan ay ka imaanaysaa daqliga dalka iyo taareego laga helayo Beesha Caalamka taasi.

Miisaaniyaddan waxaa loogu tala galay in loogu adeego Bulshada Soomaaliyeed gaar ahaan adeegyada waxbarashada, Ammanka iyo Shaqo abuuris loo samaynayo dadka Soomaaliyeed.

Saadaalinta miisaaniyadda Qaranka waa mid soo hagaagaysay sanadihii lasoo dhaafay, hase ahaatee wasaaradda Maaliyadda ayaa laga doonayaa in dhaqaalaha ay ka soo aruuriso dhammaan dhinacyada oo ay Ku jiraan shirkadaha Isgaarsiinta.

Miisaaniyaddan waxaa loo gudbin doonnaa Golaha Shacabka si ay u meel mariyaan.