Home Wararka Maanta Deg Deg: Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay Sharciga Isgaarsiinta

Deg Deg: Baarlamaanka Soomaaliya oo meel mariyay Sharciga Isgaarsiinta

948

Kulan ay xildhibaannada golaha shacabka ku leeyihiin xaruntooda Muqdisho ayaa waxay ku meelmariyeen sharciga Isgaarsiinta dalka oo ay soo gudbisay wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolajiyadda.
Kulanka ayaa  waxaa shir guddoominayey guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee golaha shacabka C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, waxaana soo xaadirey 159 mudane.
Sharciga ayaa maanta galay akhrintiisii Seddexaad, waxaana akhrin kadib loo qaaday cod gacan taag ay, iyadoo ay meelmariyeen 158 mudane, halka uu 1 xildhibaan ka aamusay.
Wasiirka Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya  Eng. Cabdi Canshuur ayaa u mahadceliyey xildhibaannada golaha shacabka.