D/Dhexe, Amisom & Diblumaasiyiin ka shiray ammaanka dalka (Sawiro)

979

Shir looga hadlayay sidii loo sugi lagaa guud ahaan ammaanka dalka ayaa maanta waxaa uu ka dhacay magaalada Muqdisho.

Kulankan ayaa waxaa shir guddoomiyay wasiirka Amniga gudaha ee xukuumadda federal-ka ah ee Soomaaliya Maxamed Abuukar Islow.

Waxaa kulankan ammaanka guud ee Soomaaliya looga arinsanayay ka qayb galay taliyaha guud ee ciidanka Booliiska Soomaaliya Generaal Cabdixakiin Daahir Siciid Saacid, wafood ka socotay maamulada dalka, agaasimaha laanta Socdaalka iyo Jinsiyadaha  iyo qaar ka mid ah diblumaasiyiinta Shasheeye ee ku sugan dalka, sida wakiilka Midowga Yurub ee Soomaaliya u qaabilsan veronique Lorenzo iyo kuwo kale.

Wasiirka Amniga  gudaha Maxamed Abukar Islow, oo shirka furay ayaa sheegay in uu shirkaan uu yahay mid  daba socda shirar hore oo ka dhacay gudaha iyo dibadda dalka kuwaasi oo ujeedkoodu ahaa sidii loo dhisi lahaa ciidamo Qaran oo isku dhaf ah.

Wuxuu  sheegay in ciidamada isku dhafka ah ee la dhisayo ay isku diyaarin doonnaan  sidii ammaanka dalka ay uga la wareegi lahaayeen ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM, kuwaasi oo tan iyo 2007-dii ka howl galaya Soomaaliya.

Waxyaabaha ugu muhiimsanaa oo shirkaasi la iskula soo hadal qaadey ayaa waxaa lagu waramayaa inay ka mid ahaayeen, dhaqan gelinta qodobo la xiriira dhanka amniga Soomaaliya ee  ka soo baxay shirkii bilowgii sanadkan lagu qabtay magaalada London, kaasi oo ahaa shir caallami ah oo looga hadlayay arrimaha Soomaaliya.

Wasiirka Amniga Gudaha ayaa shir noocaan oo kale ah oo ka dhacay magaalada Muqdisho ka sheegay in AMISOM dalka ay ka bixi doonaan sanadka markuu yahay 2021-ka.