Isgoyska Zoobe oo ah halkii uu ka dhacay qarixii waynaa ee 14 kii bishan ee sababay dhimashada boqolaal qof halka kuwo kalena ay ku dhaawacmeen ayaa waxaa maanta laga bilaabay howlo dib u tayactir iyo dib u dhis isugu jira.
Guddoomiyaha Gobalka Banaadir Thaabit Cabdi Maxamed oo ka mid ahaa mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo halkaasi booqday ayaa sheegay in in bilacda wadada isugu socodka dadwaynaha ay muhiim u tahay islamarkaana dib loo dhisayo.
Shirkadda lagu magacaabo Kulmiye oo ah shirkad qaabilsan dhanka dhismaha ayaa howlo dayactir iyo dib u dhis isugu jira ku samaynaysa 500 oo mitir oo wareeg ah.
Nalalka ku shaqeeya iftiinka Qoraxda ayaa sidoo Kale laga taagay wadadaasi.