Xildhibaan Aadam Isaaq Wasiir ku xigeenka Wasaarada Warfaafinta Soomaaliya ayaa ka jawaabay eedaymo shalay uga yimi Hogaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame, Wasiirku waxa uu sheegay in hadalada Cabdiraxmaan ay yihiin kuwa dhiirigelinaya Alshabaab.
” Waxaan aad uga xumahay dad sheeganayaa mucaraad inay sheegaan warar noocaan oo kale ah waana kuwa dhiiragelinaya Al-Shabaab, sidoo kalena niyadjab ku abuuraya shacabka, shaqsiyaad ku dhexjira dowladda in ay hadalkaasi sheegaan ay tahay gef iyo mas’uuliyad darro ayuu yiri” Wasiir Aadan Isaaq oo Waraysi siiyay idaacada BBC.
Wasiirka ayaa isaga oo wareysi siinayay BBC-da wuxuu sheegay in dowladda ay mas’uuliyad ka saaran ilaalinta hantida iyo badqabka Shacabka Soomaliyeed,hasse ahaatee hadalllada qaar looga wanaagsanaa in aan Shabaab lagu dhiirageliyo isla mar ahaantaasna aysan mas’uuliyad ku jirin hadalada dhiiriligalinya Alshabaab.

























