Danjiraha UK oo Kismaayo kula kulmay madaxweynaha Jubbaland

55

Kismaayo – Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa maanta magaalada Kismaayo ee xarunta Jubbaland kula kulmay danjiraha Britain ee Soomaaliya Ben Fender.

Danjiraha Britain iyo Madaxweynaha Jubbaland ayaa ka wada hadlay xaalada Soomaaliya ee dhinacyada kala duwan.

Danjire Ben Fender ayaa sheegay in Madaxweynaha ay ka wada hadleen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab iyo sidii la isaga kaashan lahaa dardar galinta adeegyada mucaawinada iyo kuwa kale ee ay UK ku tageerto Soomaaliya waxaa uu intaas ku daray in ay ka wada hadleen arrimaha abaaraha iyo xiliyadii roobka ee daahay ee deegaanada Jubbaland saamaynta ku yeeshay.

Danjiraha UK wuxuu sheegay in ay rajaynayaan in doorashada Jubbaland ay ku dhacdo si nabadgalyo ah oo xor iyo xalaal ah kana fog faro galin dhinac walba leh.

Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam ayaa sheegay in Safiirka ay ka wadahadlen arrimo ku saabsan shirkii Garowe iyo waxyaabahii la isku mari waayay dhaliilaha ay arkaana uu la wadaagay

Dowlad Goboleedka Jubbaland ayaa dhawr bilood kaddib waxaa la filayaa in ay ka dhacdo doorashooyinka Baarlamaamka iyo Madaxweynaha.

SHARE