Madaxweynihii hore ee dalka Kenya Daniel arap Moi ayaa geeriyooday. Waxaa uu ahaa 95 jir.
Dadka dhaliila ayaa u arki jiray nin kalitalis ah isagoo xukunka haystay 24 sanno, balse saaxiibadiisa ayaa ku amaanay sida uu u adkeeyay xasiloonida dalka Kenya.
Moi ayaa xilka iska casilay sanadkii 2002 kaddib markii si dastuuri ah looga mamnuucay inuu xili dheeraad ah u tartamo xilka Madaxweynaha.
Waxaa uu ahaa Madaxweynihii labaad ee Kenya isagoo awooda kala wareegay Jomo Kenyatta kaddib markii uu geeriyooday sanadkii 1978.
Intii uu xaafiiska maamuliyay, waxa uu ahaa hoggaamiye laga cabsado sidoo kalene la jecelyahay, waxaa lagu eedeeyay xadgudibyo ka dhan ah xaquuqada aadanaha. Moi wuxuu soo bandhigay siyaasada xisbiyada badan 1991-kii, laakiin doorashadii xigtey ayaa noqotay mid lagu shubtay.
Wuxuu ahaa siyaasi aad uga firfircoon Madaxweynihii hore ee Kenya Jomo Kenyatta isla markaana dhaxalkiisa waxaa dhaawacay musuqmaasuq dhaqaale iyo eedeymo musuqmaasuq.