Dalalka Midowga Yurub oo kala qaadanaya muhaajiriinta Malta ku xayiran

557
Dalalka Midowga Yurub oo kala qaadanaya muhaajiriinta Malta ku xayiran. Sawirka: AFP

Lix dal oo ka tirsan Midowga Yurub ayaa kala qaadan doona muhaajiriin Afrikaan ah oo gaaraya 356 kuwaas oo saran markab ka mid ah kuwa badbaadada oo ku sugan meel ku dhow dalka Malta. Muhaajiriintaan ayaa loo diiday in ay ku degaan dalalka Talyaaniga iyo Malta.

Dowladda Malta ayaa aqbashay in ay muhaajiriinta keento xeebaha dalkeeda ha se ahaate waxay sheegtay in aysan qaabili doonin. Dalalka kala ah Faransiiska, Jarmalka, Ireland, Bortoqiiska, Romania iyo Luxemberg ayaa  aqbalay in ay dalalkooda geeyaan soo galootigaan Afrikaanka ah.

Muhaajiriintaan waxaa u badan kuwa u dhashay dalka Suudaan oo doonayay in ay gaaraan qaaradda Yurub. Hey`adda gargaarka SOS Mediterranee ee laga leeyahay dalka Faransiiska ayaa in badan gadaal ka riixeysay go`aanka kaddib labo todobaad oo muhaajiriinta ay badda ku jireen.

Hey`adda SOS Mediterranee ayaa sheegtay in muhaajiriinta ay  dhimanayaan maadaama nidaamkii looga badbaadin lahaa in ay badda ku haftaan uu gabi ahaanba burburay. Dhacdadaan lagu diiday in markabka siday uu kusoo xirto dekadaha Talyaaniga iyo Malta ayaa ahaa ismariwaagii ugu dabeeyay ee u dhaxeeyay dalalka Midowga Yurub iyo hey`addaha badbaadinta muhaajiriinta. Ismariwaaga ayaa  sabab looga dhigay jirtitaan la’aanta sharci qasab uga dhigi lahaa dalalka Midowga Yurub dajinta iyo hooy siinta dadka aan ahayn muwaadiniinta waddamada Midowga Yurub.

Hey`adaha kala ah MSF iyo SOS Mediterranee aya si wada jir ah u maamula markab lagu badbaadiyo muhaajiriinta isku dayaya in ay dhanka badda ka galaan dalalka Talyaaniga iyo Malta. Wasiirka arrimaha gudaha Talyaaniga Matteo Salvini ayaa maraakiibta badbaadada ku tilmaamay gaadiid ay isticmaalaan dadka wax tahriibiya.

Todobaadkii hore muhaajiriin gaaraya 100 ayaa labo todobaad ka badan ku xayirnaa dusha  markabka lagu magacaabo Open Arms kaddib markii ay dawladda Talyaanigu diiday in ay ku degaan dalkeeda. Heshiis  ay isla gaareen Talyaaniga iyo shan dal oo ka tirsan Midowga Yurub dabadeed ayaa loo ogolaaday in ay ku degaan jasiiradda Lempedusa ee Talyaaniga.

Talyaaniga ayaa tan iyo intii ay xukunka qabteen xisbiga neceb soo galootiga waxaa adkaatay in  muhaajiriinta la soo badbaadiyay la keeno dalka Talyaaniga. Muhaajiriinta hadda la badbaadiyay ayaa waxaa 150 ka mid ah qaadanaya dalka Faransiiska, halka Bortaqiiskuna uu qaadan doonaan 35. Dalalka kale ayaan wali caddeyn  tirade ay qaadanayaan.

Muhaajiriinta doonta saran ayaa inta badan waxay ka soo jeedaan dalka Suudaan, wallow ay qaarkood  ay ka yimaadeen galbeedka Afrika. Boqol ka mid ah ayaa la sheegay in ay da’doodu ka yar tayah 18 jirka.