Dalalka ku bahoobay Paris Club oo $1.4 billion dollar ka cafiyay Soomaaliya

768

Naadiga Paris Club, oo ah koox  ka mid ah waddamada hodanka ah ee horumary ayaa Talaadadii ogolaaday inay cafiyaan ugu yaraan 67% boqolkiiba deymaha ay ku leedahay Soomaaliya, ama qiyaas ahaan $1.4 bilyan oo dollarka Mareykanka ah. .

“Wakiilo ka socda wadamada amaahda bixiya ee Naadiga Paris Club ayaa ogolaaday 31dii Maarso 2020 inay Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya ka cafiyaan amaahdii ay ku lahaayeen,” ayay Naadiga Paris Club ku sheegeen bayaan ay soo saareen.

Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya C/raxmaan Dualeh Beileh ayaa soo dhoweeyay go’aanka Naadiga Paris Club isagoo sheegay in wadahadalo wax ku ool ah oo natiijo wanaagsan ay ka baxeen ay la yeesheen kooxda Paris Club, sidii loo yareyn lahaa deynta badan ee Soomaaliya lagu leeyahay.

Wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay wadahadallo laba geesood ah la yeelanayso wadamada deyta ku leh si loo dhammeeyo hawsha deyn cafinta gebbi ahaan. Wuxuu kaloo sheegay in dowladdiisu ay sii wadi doonto dib u habeynta dhaqaalaha ee u saamaxay dowladda Soomaaliya inay xaqiijiso go’aanka deynta cafinta.

Hay’adda Lacagta Adduunka iyo Bangiga Adduunka ayaa todobaadkii hore sheegay in ay Soomaaliya qaaday tallaabooyinka lagama maarmaanka u ah bilowga helitaanka deyn cafin dhameystiran, iyada oo talaabooyinkii hore ay u qaaday Soomaaliya ay wadada u xaartay natiiyadda ka soo baxday Naadiga Paris Club.

ImageImageImage