Dalalka Carabta oo Midnimo laga dalbaday

778

Xoghayaha Arrimaha Dibadda dalka Maraykanka Rex Tellerson, ayaa dalalka Carabta ee xubnaha ka ah is-bahaysiga Caalamiga ah ee dagaalka kula jira kooxda Daacish, ka dalbaday Midnimo.

Rex Tillerson, xoghayaha arrimaha dibadda Maraykanka ayaa si gaar waxaa dalalka Khaliijka uga dalbaday inay u midoobaan ammaanka gobalka daraadiis.

” Haddii dagaalladii tooska ahaa ee lagula jiray kooxda Daacish ay joogsadeen, micnaheedu ma ahan inaan gaarnay hadafkeenii ahaa inaan ka guulaysano ISIS, Daacish” Tillerson ayaa sidaasi sheegay maanta oo Tallaado ah xili shir uu kaga qayb galayay caasimadda dalka Kuwayt.

Waxaa uu sheegay inay muhiim tahay in laga hortago in Daacish ay dib u qabsadaan Magaallooyinkii iyo goobihii laga qabsaday.

Waxaa uu dhanka kale shaaciyay in dowladda Maraykanka ay Ku deeqayso adduun gaaraya $200m si loo taageero dadaallada xasalinta dalka Suuriya.

Kooxda Daacish, ayaa dagaal looga saaray dhul wayn oo ka tirsan dalalka Suuriya iyo Ciraaq halkaasi oo sanado badan ay maamulayeen.

Duqaymihii iyo Duullaankii dhanka dhulka ahaa ee Daacish looga qabsaday goobihii ay kaga sugnaayeen Suuriya iyo Ciraaq ayaa waxaa ka dhashay burbur aad u xoogan.

Waxaa socda Dadaallo xoogan oo dhaqaalle loogu arruurinayo dib u dhiska goobihii Ku burburay gulufkii Daacish looga qabsaday goobihii ay ka talin jireen gaar ahaan dalka Ciraaq.

Khubarada dhaqaallaha Ku takhasusay ayaa sheegay in dib u dhiska goobiha Daacish laga saaray ay u baahan yihiin lacag gaaraysa  $88bn oo doolarka Maraykanka kuwaasi oo $22bn oo ka mid ah si deg deg ah loogu baahan yahay.

Shir dhaqaalle loogu arruurinayo dalka Ciraaq, ayaa ka dhacay Caasimadda dalka Kuwaiti.

Ra’iisul wasaaraha dalka Ciraaq Xaydar al-Cabaadi ayaa shirka ka sheegay in dib u dhiska dalkiisa ay u baahan tahay $100bn oo Dollar.