Dagaalkii dhanka ganacsiga ee u dhaxeeyay Shiinaha iyo Mareyanka oo sii xoogeystay

726

Shirkadda weyn ee Maraykanka laga lee yahay ee Google ayaa diidey in ay dib u cusbooneysiin u samayso Android-ka ay isticmaasho shirkadda Shiinaha laga lee yahay ee Huawe.

Sida ay daabacday Jariidada The Guardian go’aanka Google macnihiisu waa Huawei fursad uma heli doonto barnaamijyada Gmail, Youtube iyo Google Play telefoonada ay sameyn doonto.

Go’aankan ayaa ah dharbaaxo kulul oo wejiga looga dhuftey shirkadda Huawei, waxaana uu daba socdaa go’aanka Dowladda Maraykanku ka qaadatey Shirkadda Shiineyska ah ee Huawei.

Shirkadda Huawei ayaa la geliyey liiska madow todobaadkii hore, taas oo macnaheedu yahay in shirkadaha Maraykanku aaney wax ganacsi ah la sameyn karin Huawei, iyaga oo aan haysan wax oggolaansho ah.

Huawei ayaan weli wax jawaab ah ka bixin go’aanka Google, Huawei weli waxay haysataa isticmaalka Android oo ah il ama xog furan, laakiin Google waxa uu dib ula noqdey dhamaan taageerada dhanka farsamada.

Shirkadaha kale ee Intel, Qualcomm, Xlinx iyo Broadcom ayaa ka baxay heshiiskii ay kula jireen Huawei, sida ay qoreyso warbaahinta Bloomberg.

Warkan weyn ayaa ah mid la xiriira siyaasadda, tiknoolajiyadda iyo weliba ganacsiga, kadib markii shirkadda Huawei ee dalka Shiinaha ay noqotey midda tiknoolajiyadda ugu weyn dalka Shiinaha, sidoo kale waxaa la sugaayey in ay noqoto shirkadda ugu weyn caalamka ee soo saarta Telefoonada sanadkan 2019.

Maraykanka ayaa Huawei ku eedeeyey basaasnimo. Dalalka Maraykanka iyo Shiinaha waxaa u dhexeeya dagaal ganacsi oo marba marka ka danbeysa sii xoogeysanaya.