Dagaalkan labada dawladood ee Shiinaha iyo Maraykanka oo ah mid dhanka ganacsiga ah ayaa bilowaday kadib markii madaxweynaha Maraykanka Donald Trump uu canshuuro dheeraad ah ku soo rogay birta Shiinaha u dhoofiyo dalka Maraykanka.
Dawlada Shiinaha ayaa ganaax lacageed oo dhan 178.6% boqolkiiba kusoo rogaysa beeralayda dalka Maraykanka.
Beeralayda dalka Maraykanka ayaa Magasada inta badan u dhoofiya dalka Shiinaha, waxaana loo dhigaa xoolaha.
Maraykanka ayaa horey ugu eedeeyay Shiinaha in ay ku dhaqmaan ficilo ganacsi oo xagal daacin ah, iyaga oo xitaa shirkadaha Maraykanka ku qasba in ay la wadaagaan sirta Tiknoolajiyadda ay Maraykanka ku isticmaalaan, taas oo ka dhan shuruucda caalamiga ah ee ganacsiga.
Shiinaha ayaa todobaadkii hore ku dhawaaqay wax u eg in Maraykanka lagu qancinayo, taas oo ah in marka la gaaro sanadka 2022-ka la ogolaan doono in shirkadaha shisheeye ay boqolkiiba boqol yeelan karaan ganacsiyada ay ku leeyihiin dalka Shiinaha.
Shiinaha ayaa dhanka kale ku eedeynaya Maraykanka in ay badeecooyinka qiimo jaban ay ku iibinayaan gudaha suuqayaada dalka Shiinaha, taas ayaa dhaawacaysa suuqa , beeralayda iyo warshadahaba dalkasi shiinaha.
Maraykanka ayaa dhankiisa sii wada ciqaabta ganacsi ee ka dhanka ah Shiinaha, todobaadkan waxa ay mamnuucis 7 sano ah kusoo rogeen shirkad kasta oo aalado ka iibisa shirkadda taleefoonada weyn ee Shiinaha
Wakiilada ganacsiga ee Maraykanka ayaa sheegay in ay darsi doonaan talaabada shiinaha ee ka dhanka ah haruurka, kana fikirayaan sidii ay u horgeyn lahaayeen Hay’adda Ganacsiga Adduunka ee WTO.