Dagaal ooge lagu xukumay 30 sano oo xabsi ah

73

Dagaal ooge hore oo u dhashay dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo ayaa lagu xukumay soddon sano oo xabsi ah kaddib markii ay maxkamadda dambiyada dagaalka ee Hague ay ku heshay gaboodfallo ka dhan ah bini aadanka.

Bosco Ntaganda oo lagu naaneysay “Tirtire” ayaa lagu helay 18 eed oo la xiriirta dil, kufsi, addoonsi galmo iyo askareeyn carruur. Eedaha u badan ayaa la xiriira dilal dhacay sanadihii 2002-2003 mar uu ahaa hoggaamiye jamhad ka dagaalanta dalka horay loo oran jiray “Zaire” ee hadda lagu magacaabo Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Garsoorayaasha maxkamadda dambiyada dagaalka ee magaalada Hague ee dalka Nederland ayaa bishii July ku helay in maleyshiyo isaga daacad u ah ay dad rayid ah si xun ugu laayeen dalka Congo.

Bosco Ntaganda ayaa noqonayaa qofkii ugu horreeyay ee lagu xukumo xabsi sidaa mudadiisu u dheertahay. Sidoo kale waxa uu noqonaya eedeysanynihii ugu horreeyay ee lagu helo dambiyo la xiriira addoonsi galmo.

Boscon Ntaganda ayaa sannadkii 1973 ku dhashay dalka Rwanda. Waxa uu u baxsaday dalka Congo markii uu bilowday dagaalkii ka dhanka ahaa qowmiyadiisa Tutsiga isaga oo markii dambe ku biiray jamhaddii uu hoggaamiyay Madaxweynaha dalka Rwanda Paul Kagame oo loo yaqaanay RPF.

Wixii intaa ka dambeeyay waxa uu marna askari ka ahaa Rwanda, xilli kalena Congo. Ugu dambeyntiina waxa uu noqday hoggaamiye jamhad ka dagaalanta gobolka kheyraadka hodanka ku ah ee Ituri ee dalka Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.

Sannadkii 2013 ayuu isku dhiibay safaaradda Maraykanka ee Kigaali, iyada oo markaa kaddibna loo gacangaliyay maxkamadda dambiyada dagaalka oo horay u doondooneysay.

SHARE