Home Wararka Maanta Dadweynaha Muqdisho oo si weyn u soo dhaweeyay go’aanka dowladda ee waddooyinka...
Muqdisho (UM) – Maanta magaaladda Muqdisho uma xirxirna sidii hore oo dadweynuhu waxa ay awoodaan in ay maraaan waddooyinkii horay looga xanibay Magaaladda oo maalmahaanba haawaneysay ayaa maanta leh muuqaal ka badalan sidii maalmihii la soo dhaafay. Waddooyinka magaalada maanta ma xirna, dhagaha wadayaasha gaadiidka kala duwanna maqli maayaan oraahdyadd caanka baxday “Kala wareeg” iyo “Dib u qaad”
Caasimadda Magaaladda Muqdisho maalmihii la soo dhaafay waxaa astaan u noqday waddooyin xiran iyo askar waddooyinka la soo tubay. Xitaa xirnaashaha waddooyinka waxa u gaartay jidcayaasha xaafadaha dhex mara kuwaas oo ay awoodi waayeen inay dadweynaha u hoydaan guryahooda madaama jidgooyo la hordhigay jidadkii ay ka galiyeen deganadooda.
Maantase dadku waxay dareemayaan isbadal iyo culeyskii oo ka yaraaday. Dareen soo dhaweeyn iyo farxad ayaa laga dheehan karaa dadweynihii markii hore dhibta ku qabay jidadka xirnaa.
Jidadkii ugu adkaa in laga tallaabo sida isgooyska Dabka aaya saaka si dhib yar ay dadweynuhu ku marayeen iyagoo aan kala kulmin wax caqabad ah.
Haddaba dadweynaha oo ay ummadda wax ka weydiisay sida ay dareemayaan ayaa sidaan ku cabbiray dareenkooda ku aaddan jidadka la furay:
“Walaahi aad ayaan ugu faraxnay in jiddadka la furo maxaa yeelay waxaan dhib weyn ku qabnay jidadka xirnaa, annaga oo awoodi weynay inaan xaafadaheena gaarno.”Sidaas waxaa yiri muwaadin ka aragti dhiibanaya sida uu u arko waddooyinka maanta la furay.”
“Haddaanu nahay ganacsatada ku ganacsata waddada Maka Al-Mukarama waxaa na soo gaaray burbur dhaqaale ama suuq la’aan , sababtoo ah inta ay waddooyinka xirnaayeen waxaa yaraaday macaamiisha noo imaan jirtay.” Haddase, waan ku faraxnay waddooyinka ay dowladdu furtay”, waxaa isna sidaa ku waramay ganacsade uga waramay Ummadda media dhibaatooyinka dhaqaale oo ay kala kulmeen xirnaashiyaha waddooyinka.
Ma ahan dhibaato dhaqaale oo kaliya saameeynta ay yeesheen waddooyinka xiran, ee xitaa waxay keentay mid bulsho sida in bukaanada qaar ay awoodi waayaan gaaridda goobaha caafimaad iyo in ardayda iskuuladda iyo Jaamacadaha ay awoodi kari wayaan tagitaanka xarumahooda waxbarasho.
Xirnaashaah waddooyinka ayay dawladdu u cuskatay sababo la xiriira dhanka ammniga, balse dad badan ayaa isweydiinaya in waddooyin la xiro ay ammniga wax ka tarayaan. Dadka qaar waxay qabaan in waddooyinka la xiro aanay wax badan ka qaban ammni daradda, gaar ahaan qaraxyadda ka dhaca caasimadda Muqdisho, isla markaasna ay sababtay wadooyinka xiran in ganacsiga uu hoos u dhaco.
Intii ay waddooyinku xirnaayeen ganacsato badan oo Ummadda Media la hadashay waxay sheegeen in suuq xumi baahsan soo wajahday taas oo ku keentay iney ku adkaato bixinta kirada goobahooda ganacsi, iskaba daa in ay bixiyaan canshuurta. Waxay dawladda ugu baaqeen in ay la timaado hab kale oo lagu sugo aminga magaalada, si khataraha ammni looga hortago, shacabkana ay ugu suurtagasho inay helaan xoriyad ay ku gacansadaan.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Cabdullaahi Maxamed Farmaajo ayaa dhawaan soo saaray amar dib loogu furayo waddooyinka Magaalada Caasimadda ah ee Muqdisho oo ay xireen Ciidamada Ammaanka dowladda Soomaaliya.