Muqdisho (UM) – Waxa jiray jahwareer ka dhashay xiriir xumo iyo warar been abuur ah oo ay faafinayeen warbaahin magac leh oo isugu jirta mid caalami ah iyo mid gudaha ah. Jahawareerkaas ayaa ka dhashay kulan magaalada Nairobi ku dhexmaray Madaxweyne Farmaajo iyo Uhuru Kenyatta oo looga hadlayay xiriirka xumaaday ee labada dal.
Kulanka Madaxweyne Farmaajo ayaa dad badan ay ku wareereen maxaa yeelay waxay u haysteen in Madaxweynuhu uu kaliya booqasho rasmi ah ugu baxay Itoobiya, ee uusan Kenya aadi doonin, hase ahaate waxaa Madaxweyne Farmaajo ku qanciyay in uu Kenya tago Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya oo iskiis iskugu caleemsaaray nabadoonimada gobolka. Ra’iisul Wasaare Abiy ayaa Madaxweynaha ka dhaadhicyay in uu sii raaco si isaga iyo dhigiisa Kenya ay uga wadahadlaan xiriirka xumaaday iyo waliba muranka soohdinta badda ee u dhaxeeya Kenya iyo Soomaaliya sida ay ku warameen warbaahinta Kenya iyo Itoobiya.
Marnaba danbi ma ahan in madaxdu kulmaan maxaa yeelay madaxdu waa kulmaan, wadahadlaan oo iska kaashadaan xasilloonida iyo danahooda gaarka ah iyo tan gobolkaba, hase yeeshe ‘e waxay aheyd in Madaxweyne Farmaajo uu Muqdisho kusoo laabto inta uusan si aadin booqasho kale maadaama ay tahay xilli xasaasi ah. Waxay kale oo ay ahayd in Madaxweyne Farmaajo uu codsado in kulanka lagu qabto magaalada Muqdisho maadaama ay Kenya gardarneyd.
Khaladaadkaas dhacay iyo qoraallo aan caddeyn oo uu bartiisa Twitter-ka soo dhigay Ra’iisul Wasaare Abiy iyo cinwaanada warbaahinta Kenya iyo Itoobiya ayaa siiyay mucaaradka fursad ay si aan run ahayn Madaxweynaha ugu eedeeyaan in uu Kenya kula jiro wada xaajood lagu doonayo in lagu gaaro heshiis qarsoodi ah oo qaab diblomaasiyadeed loogu dhameynayo muranka. Taasi waa been sida laga arki kora cinwaanada wargeysayda Kenya oo si caro leh u tilmaamaya in Madaxweynuhu uu diiday in arrintaas wax wadaxaajood ah laga galo.Waa arrin u fiican isaga iyo dadka Soomaaliyeedba.
Kheyraadka badeed ee Soomaaliya waa arrin xasaasi ah , waxaa ka sii dhigaya mid aan loo dhawaan karin dacwadda taalla maxkamadda caalamiga ah ee caddaaladda ee magaalada Hague. Qof kasta ee Soomaali ah waa soo jeedaa waana sida ay tahay in la iskaga celiyo Kiinyadaan hororka ah ee qaab walba ku dooneysa in ay ku boobto kheyraadkeenna badda. Haddaba maxay tahay in Soomaalidu ay sameeyso?.
Soomaalidu waa in ay aammintaa Madaxweynahooda. Laga yaabee in uu ku liito hadal deeqsiinta dadka, laakiin ma ahan mid waalan oo ka hor imaan kara mowqifka dadweynaha Soomaaliyeed ee ah in la difaaco taako kasta oo ka tirsan xadbadeedka Soomaaliya. Madaxweynuhu waxa uu muujiyay geesinimo iyo kal adeyg isaga oo diiday wax wada xaajood ah oo laga galo muranka xuduudda badda ka sokoow cadaadis uga imaanayay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya iyo Madaxweynaha Kenya.
Ka sokow diidmada Madaxweynaha, waxa uu ka soo hooyay kulamadaas guul diblomaasiyadeed maadaama uu Kenya ku qanciyay in ay safiirkeeda dib usoo dirto , isaganu uu safiirkiisa dib ugu diro Kenya. Sidaas darteed waa in shacabka Soomaaliyeed iyo siyaasiyiintaba ay dowladdooda garab istaagaan, maxaa yeelay wax kasta oo kala qaybsanaan ah waxay dhib u keeni doontaa dacwadda ka taalla Maxkamadda caalamiga ee caddaaladda.
Madaxweynuhu waa in uu si fiican ula xiriira dadka si uu u hanto kalsoonida iyo taageerada dadka Soomaaliyeed. Wararka been abuurka waxa ay ka dhashaan marka uusan war sax ah oo dadka loo sheego ama uusan jirin xiriirka dadweynaha iyo dowladda ah.
Dadka Soomaaliyeed waxay xaq u leeyihiin in ay ogaadaan waxa ay dowladdoodu kala hadleyso dalalka shisheeye gaar ahaan Kenya maxaa yeelay go`aan kasta waxa uu saameeyn ku yeelan doonaa aayahooda danbe. Madaxweyne Farmaajo waa in uusan aamusnaan oo dadka la wadaaga waxa jira. Waa in uu noqdaa hormuudka difaacaya kheyraadka badda Soomaaliya isla markaana uu hormumariyaa. Madaxweyne Farmaajo waa in uu bannaanka yimaada oo dhexda u xirtaa difaaca kheyraadka badda ee Soomaaliya muranka dhanka badda ee Kenya hadda wali waa bilaw.