Muqdisho (UM) – Qabsoomida mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Maxamed Shiikh Cismaan Jawaari ayaa ahaa waxa loogu hadal heynta badan yahay sabtigii, laakiin waxaa taas baajiyay madaxweyne Maxamed Cabdulaahi Farmaajo.Intaas kaddib waxaa jiray warar kuturi kuteen ah oo la isla dhex marayay, mase jirin war xaqiiq oo tilmaamaya waxa xigi doona.
Sida uu yahay jadwalka u dagsan baarlamaanka mooshinka ayaa goor hore dhaafay xilligiisii,mana jirin faragalin ka timid garsoorka,sidaa darteed waxaa la filayaa in is jiidjiidka uu sii socdo waqti bandanna qaato.
“ Ma ogaan kartid waxa dhacaya maalin kasta maxaa yeelay waxaa jira wareer badan”.Sidaas waxaa yiri Cilmi oo ah dhaqtar ka howlagala dalka gudihiisa. “Waxa kaliya la ogyahay ayaa ah in aan la ogaan karin sida wax noqon doonaan”.
Ismariwaaga siyaasadeed ayaa sabab u ah jahawareerka jira sida aan ka ogaanay dadka ay Ummadda Media wareysatay maalmihii la dhaafay. Dhammaan intii aan wareysanay waxay isku raaceen xog la’aanta jirta iyo jihada geedi socodka siyaasadeed oo aan la aqoon ay keeni karto hakad ku yimaada adeegyagdii dadweynaha iyo dhibaatooyin amni.
“Wax si fiican u shaqeeynaya malahan. Basaska waa la leexiyaa oo dib loo celiyaa, mooto bajaajta ma mari karto waddooyinka waa weyn, lugeeyntana waxay noqotay dhib”.Nura ayaa sidaas ku aragti dhiibatay. Waxay sii raacisay “Siyaasadaan waa mid aan u fiicneeyn Soomaaliya”.
Ilo xog ogaal ah oo ka tirsan dowladda ayaa Ummadda u xaqiijiyay in aysan jirin wax heshiis oo ay gaareen labada dhinac kaas oo qeexaya waxa xigaya iyo sida lagu gaari karo xasilooni siyaasadeed. Xildhibaano aad u saameeyn badan ayaa wali raba in ay ka coddeeyaan guddoomiyaha, halka kuwa qaarna ay ku mashquulsan yihiin sidii heshiis lagu gaari lahaa. Iyada oo qolada sedaxaadna oo xildhibaannada ka tirsan ay toos ula safanyihiin guddoomiyaha baarlamaanka.
“ Maanta waa maalin aad adag maxaa yeelay wali nooma cadda waxa xigi doona.Waxaa jira dhibaatooyin badan waxaanan u baahanahay in aan nolosheena iska wadano” Waxaa oraahdaas si caro ku dheehantahay u yiri dukaanle. “ Ma aqaan maalinta aan dukaankeyga furanayo iyo markaan xirayo amniga dartiis”.
Ma cadda sida uu hadda yahay mooshinka ka dhanka ah guddoomiye Jawaari, hase yeeshee ilo sare oo dowladda ka tirsan ayaa noo xaqiijiyay in wadahadal u socodo xildhibaannada labada dhinac iyo guddoomiyaha isla markaana ay go’aan ka gaari doonaan.