Dadka Reer Masar oo maanta u dareeray Doorasho madaxtinimo

707
A woman casts her vote at a polling centre during a referendum on Egypt's new constitution in Cairo January 14, 2014. Egyptians began voting on Tuesday in a constitutional referendum, the first ballot since the military overthrew Islamist president Mohamed Mursi and an event likely to spawn a presidential bid by army chief General Abdel Fattah al-Sisi. REUTERS/Mohamed Abd El Ghany (EGYPT - Tags: POLITICS ELECTIONS)

Cod bixiye-yaasha dalka masar ayaa kala dooranaya Madaxweynaha talada haya iyo musharraxa kaliya ee la tartamaya.

Cod bixiye-yaasha dalka Masar ayaa maanta oo isniin ah u dareeray goobaha cod bixinta doorashadaas oo ay ka qayb galayaan Madaxweyne Abdel Fatah al-Sisi iyo hal musharax oo la tartamaya.

Doorashadaan ayaa kooxaha xuquuqda aadana u dooda ay ku dhaliileen in dadka tartamayaa ay yar yihiin.

Moussa Mustafa Moussa waa hoggaamiye xisbi aan aad loo aqoon oo horay u taageeray Madaxweyne Siisi, Ninkaan ayaa ugu dambayntii ku dhawaaqay inuu yahay musharrax la tartamaya Madaxweynaha xilka haya.

Labo musharrax oo kale oo la tartami lahaa Madaxweyne Sisi ayaa isaga haray tartanka, halka mid saddexaad oo ahaa hoggaamiye hore oo militari la xiray, laguna eedeeyay in uu xilka madaxweynenimo u tartamayay asagoon haysan wax fasax ah.