Dadka reer Burundi oo u dareeray Afti muddada loogu kordhinayo Madaxwaynaha

721
Madaxwaynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza oo xafiiska jooga tan iyo 2005-tii [Sawirka waxaa qaaday Evrard Ngendakumana waxaana iska leh Reuters]

Dadka Burundi maanta oo Khamiis ah waxa ay codkooda ka dhiiban doonaan afti la doonayo in lagu kordhiyo mudada madaxweynaha oo looga dhigo 7 sano.

Haddii dadka dalkaasi ay ansixiyaanna, Madaxweyne Pierre Nkurunziza, ayey suuragal tahay inuu dalkaasi sii hogaamiyo ilaa 2034-ta.

Ololaha aftida ayaa waxaa hareeyay mucaaradka oo ku goodinayay inay qaadacayaan natiijada ka soo baxda iyo weliba eedo ah inay jireen tacaddiyo baahsan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha, iyo iyadoo loo hanjabayay ciddii ka soo horjeesataa codbixinta.

Qaramada Midoobay ayaa waxa ay ka walaacsan tahay suuragalnimada in qalalaase baahsan ay dalkaasi ka dhacaan, kaddib markii dhawaantan la dilay 26 qof oo rayid ah.

Madaxweyne Pierre Nkurunziza iyo xisbigiisa haya talada dalkaasi ayaa usoo durbaan tumayay sidii ay taageero ugu heli lahaayeen aftida loo qaadayo dastuurka ee uu muranka badan ka taagan yahay.

Taageerayaashooda ayaa sheegaya in codbixinta ay sii habeyn doonto un dastuurka.

Kuwa ka soo horjeeda ayaa u arka inay tahay un nin doonaya inuu dastuurka u adeegsado inuu xilka ku sii dheganaado.

Go’aankiisii ahaa inuu xilka u tartamo iyo guushii 2015-kii ayaa waxa ay horseedday inay dalka Burundi ka dhacaan dibadbaxyo, iskuday afgambi iyo qulqulatooyin ay ku dhinteen dad kor u dhaafaya 700 oo qof halka in ka badan 400,000 oo qofna ay dalka isaga qaxeen.

Xilligaas ayaa taageerayaasha madaxweynaha waxa ay ku doodayeen in muddo xilkeedkiiisii koobaad uusan tirada ku jirin maadaama baarlamaanka un uu doortay oo dadweynuhu aanay u coddeyn.

Haatan haddii ay dadka u codeeyaan “HAA” waxaa suuragal ahba in madaxweynaha uu xilka sii hayo tan iyo 2034, xilli uu sii kordhayo walaaca laga qabo dowliidda ee ah inay sii noqonayso mid cadaadis un uu maanka ka maray.

Hay’adda u doodda xuquuqda aadanaha ee Amnesty International ayaa sheegaytay in dadka ka soo horjeeda aftida la cabsigeliyay, la xiray sidoo kalana la garaacay.

Todobaadkii la soo dhaafay 26 qof ayaa lagu dilay weerrar ka dhacay tuulo ku taal Galbeedka Burundi, oo waxaa dilka gaystay baa la leeyahay dad loo maleeyay inay doonayaan inay carqabaladeeyaan aftida.