Dad Rayid ah oo lagu rasaaseeyay garoonka diyaaradaha Gaalkacyo

527

Wararka aan ka helayno  Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug, gaar ahaan garoonka diyaradaha  magaaladasi ayaa waxa ay sheegayaan nin hubeysan uu halkaasi ku dilay dad Shacab ah.

Dad goobjoogayaal ah warbaahinta gudaha u sheegay in qof hubaysan oo ka tirsan ilaallada garoonka uu rasaas ku furay dad shacab ah oo ku sugnaa gudaha garoonka, taasi oo sababtay dhimashada in ka badan labo (2)qof oo rayid ah.

Wararku waxaa ay intaasi ku darayaa in rasaastan sidoo kale ay ku dhaawacmeen labo qof oo kale.

Dadka falkan wax ku noqday ayaa dhammaantooda waxaa lagu soo waramayaa inay ahaayeen dad dhalinyaro ah.

Mid ka mid ah dadka dhaawaca uu soo gaaray ayaa saraakiisha caafimaadka waxaa ay ka dayrinayaan xaaladdiisa, ayagoo sheegay in dhaawac halis ah uu soo gaaray.

Lama oga sababta keentay rasaasta lagu furay dadkan rayidka ah, hase ahaatee ciidamada ammaanka oo goobta gaaray ayaa la sheegayaa inay gacanta ku dhigeen ninka rasaasta furay, kaasi oo lagu waramayo in xabsiga loo taxaabay.

 

 

SHARE