Ugu yaraan 74 ayaa dhimatay, 40 kalena waa ay dhaawacmeen kaddib markii uu dab qabsaday tareen u kala safrayay magaalada Karachi iyo Rawalbendi ee dalka Pakistan
Muuqaalo laga sii daayay Telefishinada ayaa muujinayay holac ka baxayay gudaha tareenka oo cirka ku shareeray qiiq iyo uuro.
Ciidanka ammaanka ayaa sheegay in dadka dhintay ay isku dayayeen in ay ka baxsadaan dabka iyaga oo ka booday tareenka.
Wasiirka tareenada dalka Pakistan Sheikh Rashid Ahmed ayaa sheegay in dabku uu ka dhashay kaddib markii gaaska ay quraac ku karsaneeyn dadka tareenka saaran uu qarxay taasna ay keentay in dab xoog leh uu ka dhasho. Tareenada ayaa inta badan laga mamnuucay gaaska cunada lagu karsado hase ahaate inta badan lama dhaqangaliyo go’aankaas .
Dadka waxyeeladu ka soo gaartay dabka ayaa u socday kulan diimeed ay soo qabanqaabisay jameecada Tabliiqa oo lagu waday in qabto.
Ra’ iisul wasaaraha dalka Pakistan Imran Khan ayaa bartiisa Twitterka qoraal uu soo dhigay ku sheegay in uu si weyn uga murugooday shilka dhacay, isaga oo tacsi u diray qoysaskii dadkii ku naf waayay dabka. Ra’iisul wasaare Khan ayaa amray baaritaan degdeg ah oo lagu sameeyo dabka ka kacay tareenka u kala safrayay magaalada Karachi ee Koonfurta Pakistan iyo magaalada Rawalbendi.