Dad ku dhintay rabshadaha dalka Zimbabwe

832

Saddax ruux ayaa ku dhimatay rabshado ka dhacay dalka Zimbabwe oo ka dhashay doorashadii dalkaas ka dhcay.Taageerayaasha xisbiga mucaaradka MDC oo waddooyinka iskugu soo baxay ayay isku dhaceen ciidanka rabshadaha ka hortaga.

Ciidanka ayaa rasaas ku riday bannaanbaxayaal dhagaxtuur sameynayay, wxaana halkaas khasaaro nafeed ka soo gaartay qaar ka mid dibadbaxayaashii.

Xisbiga mucaaradka ugu weyn ee MDC ayaa cambaareeyay falka ay ku tilmaameen mid aan habbooneeyn oo aan loo qiil sameyn karin.

“Maanta waxan aragnay taangiyo  iyo ciidanka oo si toos rasaas ugu ridaya shacabka, iyada oo aysan jirin sabab cad oo waxaas loo sameeyo”.Sidaas waxa yiri afhayeenka xisbiga MDC

Dhanka kale madaxweynaha Zimbabwe Emerson Mnangagwa oo hadlay ayaa rabshada ku eedeeyay taageerayaasha mucaaradka,  oo ugu baaqay in ay waddooyinka ka wadaan taageerayaasha fowdada ah waa sida uu yiri madaxweyne Mnangagwa.

Si la mid ah ayaan madaxda mucaaradka ugala xisaabtami doona wixii khasaaro maaliyadeed iyo hantiyeed ee dhaca ayuu sii raaciyay Mnangagwa.

Rabshadaha dalka Zimbabwe ayaa bilawday maalintii arbacadda markii guddiga doorashada yak u dhawaaqeen natiijada doorashada oo aysan ku farxin mucaaradka.