Duqaymo ay ciidamada dowladda Suuriya la beegsadeen bariga Ghouta ayaa waxa ku dhintay tira dad rayid ah, sida ay sheegeen kooxda la socodka xaalladda Suuriya.
Kooxdani ayaa xaqiijisay in Isniintii ay ahayd maalinkii ugu dhimasahad badneyd ee degaankaasi tan iyo intii la go’doomiyay 2013.
Kooxda la socodka xaaladaha xuquuqda aadanaha Suuriya ee saldhigeedu yahay UK ayaa sheegtay in ugu yaraan 100 qof ay ku dhinteen duqaymaha.
Kooxdani ayaa intaa ku dartay in 20 ka mid ah dadka ku dhintay duqaymaha ay yihiin caruur.
Ciidamada dowladda Suuriya ayaa dardar galiyay weerarada ay ku hayaan mgaalada Ghouta si ay dib ugula wareegaan.
Kooxda la socodka xaaladaha xuquuqda aadanaha Suuriya ayaa waxay sheegeen in 470 qof ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo qaarkooda ay halis yihiin.
Sargaal ka tirsan Qaramada Midoobay oo dhankiisa ku baaqay in dagaalka la joojiyo ayaa sheegay in xaaladda ay ku dhawdahay in ay faraha ka baxdo.
Bariga Ghouta ayaa ah meeshii ugu dambaysa ee ku hartay gacanta mucaaradka islamarkana ku dhaw caasimadda Dimishiq.
Toddobaadkii aanu soo dhaafnay magaalada Ghouta, oo hoy u ah dad gaaraya 400,000 oo qof ayaa la gaarsiiyay gargaarkii ugu horreeyay.