Dacwad oogaha Kenya oo amray xarigga Guddoomiyaha ismaamulka Gaarisa

558
Ali Korane Guddoomiyaha Ismaamulka Gaarisa ( Sawirka/ Standard Media)

Agaasimaha xafiiska guud ee dacwad oogista Kenya Nuuradiin Xaaji ayaa amray in la soo xiro Guddoomiyaha ismaamulka Gaarisa Cali Bunoow Qorane iyo afar kale oo ka tirsan ismaamulka Gaarisa.

Guddoomiyaha iyo saraakiisha kale ayaa loo heystaa in ay lunsadeen lacag gaareysa 245 milyan Kenya Shilling oo bangiga adduunku uu bixiyay.

Qoraal ka soo baxay xafiiskiisa ayuu Nuuradiin Xaaji waxa uu ku sheegay inay go’aanka soo xirista gaareen kaddib markii guddiga ka hortaga musuqa ay soo ogaadeen in lacag loogu talogalay horumarinta magaalada la lunsaday.

Lacagta ayaa loo qoondeeyay in lagu dhiso suuqa Qoraxeey ee Gaarisa, dib u dayactirka waddooyinka dhexmara faras magaalaha Gaarisa iyo bulaacado qaada biyaha roobka.

Xafiiska guud ee dacwad oogista Kenya ayaa sheegay in Cali Qorane uu fududeeyay in lacagta la lunsado oo la hayo caddeyn ku filan.

Tan iyo intii la sameeyay Hey’adda dacwad oogista guud ee Kenya ayaa masuuliyiin sarsare waxaa lagu soo oogay dacwado la xiriira musuq iyo wax isdaba marin.