
Dacwad ogaaha guud ee dalka Sacuudiga ayaa la filayaa inuu tago dalka Turkiga isaga oo la kulmi doonobaarayyaasha dalkaasi ee dilka Suxufiga Jamal Khashoggi.
Turkiga ayaa sheegtay in dacwad ogaaha guud ee Sacuudiga, Saud al-Mojeb, la filayo inuu kulmo baarayaasha Turkiga si uu wax oga ogaadi waxyaabihii ugu dambeeyay ka soo baxay baaritaanka dilka Khashoggi.
Sacuudiga ayaan shaacinin booqashadiisa, taasi oo imaanaysa maalmo kaddib markii madaxa hey’ada sirdoonka CIA-da Mareykanka Gina Haspel ay Turkiga tagtay si ay u aragto caddeymaha dilka Jamal Khashoggi ka hor inta aysan warbixin ka siin madaxweyne Trump.
Sacuudiga ayaa horrey u qirtay dilka Jamal Khashoggi waxa ayna sheegtay inuu ku dhintay dagaal ku dhexmaray gudaha qunsuliyada isaga iyo shaqaalaha qunsuliyada, taasi oo sharaxaadeda lagu qanci waayay.
Turkiga ayaa doonaysa in loo soo gacan galiyo 18 ruux ee Sacuudiga sheegay in la xiray kuwaasi oo looga shakisan yahay in ay ku lug lahaayeen dilkii Oktoobar 2-dii loo gaystay Jamal Khashoggi.
Wasiirka arrimaha dibadda Sacuudiga ayaa diiday arrinta ah in raggaasi Turkiga loo soo gacan galiyo, isagoo sheegay in dadka lagu tuhunsan yahay dilka lagu maxkadayn doono gudaha dalka Sacuudiga kaddib marka la dhamaystiro baaritaanka.

























