Dab xoogleh oo ka kacay Dekedda magaalada Beyruut

78
Dabka ka kacay magaalada Beyruut ayaa ku soo aadaya toddobaadyo kaddib qaraxii waynaa ee ka dhacay Dekedda gudaha kaasi oo baabi'yay inta badan Dekedda iyo xaafadaha u dhaw. Sawirka/ AP

Dab xoog leh ayaa ka socda dekedda caasimada Lubnaan, Beirut, wax yar ka badan bil kadib markii qarax weyn uu baabi’iyay dhismayaasha dekedda iyo agagaaraha. Dabka ayaa ka qarxay bakhaar lagu keydiyo tayarada iyo Saliida oo qeyb dekkadda ka mid ah ku yaalla.

Ma jiro wax war ah oo deg deg ah oo ku saabsan waxa sababay dabka Khamiista, kaasoo cirka u diray saf ballaaran oo qiiq madow ah.

Bishii Agoosto ayaa qiyaastii 191 qof ku dhinteen kaddib markii 2,750 tan oo ammonium nitrate ah oo walxaha qarxa ah oo ku jiray bakhaar dekedda ku dhowaad toddobo sano ay qarxeen.

SHARE