Dab ka kacay iskuul Qur’aan lagu barto oo sababay dhimashada in ka badan 25 arday

884

In ka badan 25 qof oo u badan arday ayaa geeriyootay ka dib markii dab uu qabsaday iskuul ku yaala Caasimada dalka Malaysia ee Kuala Lumpur, kaasi oo noqonaya dhabkii ugu qasaaraha badnaa oo muddo ka badan tobanaan sano ka dhaca dalkaasi Malaysia.

Hay’adda la dagaalanka dabka iyo howlaha badbaadinta ayaa sheegtay in dabka uu qabsaday iskuul lagu xifdiyo Qur’aan-ka kariimka oo la yirahdo Darul Quran Ittifaqiyah.

Khirudin Drahman, oo ah agaasimaha waaxda badbaadinta iyo la dagaalanka dabka ee magaalada Kuala Lumpur, ayaa wakaaladda wararka AFP u sheegay in dadka geeriyooday ay yihiin 23 arday iyo 2 Macalin.

“Wax micno ah ma samaynayso in dad fara badan ay dab ku dhintaan, waa Musiibo dabka ah tii ugu xooganayd ee Malaysia ka dhacda muddo ka badan 25 sano” ayuu Khirudin Drahman, u sheegay AFP.

Toban qof oo dabka ku dhaawacmay ayaa loo qaaday cisbitaalada ka ag-dhow iskuulka, ayadoo la soo badbaadiyay 11 qof, sida laga soo xigtay booliiska.

Amar Singh, madaxa booliiska magaalada Kuala Lumpur ayaa wariyaasha u sheegay in carruur da’dooda u dhaxaysay 13 ilaa iyo 14 sano inay ku neef-qabatoobeen qiiqa dabka iskuulka ka kacay.

Boqollaal dad ah oo ay ku jiraan ehelada  dhibanayaasha ayaa isugu soo baxay Banaanka iskuulka, ayadoo maydad badan gudaha laga soo saaray, walina ay socoto tirinta may dadka, sida uu ku waramayo television-ka aljazeera qaybtiisa Ingiriiska.

Abu Cubaydat bin Maxamed Saithalimat, ku xigeenka madaxa laanta la dagaalanka dabka magaalada Kuala Lumpur, ayaa sheegay in sababta dabka looga shaki qabo cilad dhanka korontada ah.