Dab Giriiga ku dilay 50 qof

836

Ugu yaraan 50 qof ayaa dhimatay, tiro kalena waxaa soo gaaray dhaawacyo kala gedisan ,kaddib markii dab aad u weyn u qabsaday keymo aad ugu dhaw caasimadda dalka Giriigga ee Athens.

Dhimashada oo markii hore lagu sheegay 24 ayaa kor u kacday, ka gadaal markii hey’adda laan qayrta cas ay  26 qof oo hor leh ka heshay magaalada dekadda leh ee Rafina.

Dabka aaya ka  kacay horraantii maalintii isniinta, keyn konton Km u jirta magaalada Athens.Waxa uuna sii faafay waabarigii talaadada.

Dawladda ayaa ugu digtay dad ku nool goobo ka tirsan caasimadda oo dabku kusoo dhawaaday in ay ku sii sugnaadaan, taas badalkeedna waxay dawladdu bilawday daad gureynta dadka deegaanka iyo dalxiisayaal.

Magaalada Rafina ayaa ah goob ay ku badanyihiin dalxiisayaasha yimaada dalka Giriiga.Dawladda Giriigga ayaa wada dadaalo lagu tacaalayo dabkaan oo  aan aheyn mid ku cusub dalka Giriigga, gaar ahaan marka la gaaro xilliyada jiilaalka oo inta badan ay dhacaan in keymo gubtaan.