Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka qeyb galay shirka African Leaders Forum, kaasoo ay ka qeyb galeen Madaxweynayaal hore oo soo maray Qaaradda Afrika, waxaana shirkan oo maanta ka furmay magaalada Johannesburg looga hadlay caqabadaha heysta Afrika, sida Amniga iyo Nabadgelyada.
Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Hey’adda Thabo Mbeki Foundation, ayaa waxaa ka qeyb galay Madaxweynayaashii soo maray dalalka Nigeria, Tanzania, Tunisa, Koofur Afrika iyo dalal kale, sidoo kale waxaa shirka lagu casuumay aqoonyahano iyo diblomaasiyiin African ah.