DAAWO SAWIRRADA:- Qaraxa ka dhacay saldhiga degmada Waaberi

1580

Faah faahino dheeraad ah ayaa ka soo baxaya Qarax Gaari oo lagu weeraray saldhiga degmada Waaberi ee gobolka Banaadir, kaasi oo ka dhashay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxan ayaa si weyn looga maqlay qaar ka tirsan degmooyinka gobolka Banaadir, waxaana Qaraxan uu saameyn ku yeeshay dhismaha saldhiga iyo sidoo kale guryaha halkaasi ka akdhow.

Inta la ogyahay 6 Qof oo isugu jira Askar iyo dad shacab ah ayaa ku geeryootay Qaraxaasi, kuwaasi oo marayay wadada laamiga ah ee Saldhiga uu ku yaallo, xilliga uu qaraxa dhacayay, Askartana waxa ay  ku sugnaayeen Saldhiga Degmada Waaberi.

Sidoo kale dadka ku dhaawacmay Qaraxan ayaa la sheegay in ay kor u dhaafayaan 10 Qof, kuwaasi oo qaarkood watay Gaadiid, xilliga uu Qaraxa dhacayay wadada marayay.

Sawirro laga soo qaaday goobta qaraxa uu ka dhacay ayaa muujinaya bur bur xoogan oo soo gaaray gaadiid badan oo yaalay hareeraha wadada laamiga ah ee ka agdhaw Saldhiga Degmada Waaberi.

Masuuliyiinta Adeegga Gaadiidka deg dega ah ayaa inoo sheegay in halkaasi ay u direen qaar ka tirsan shaqaalahooda, kuwaasi oo goobta ka soo qaaday dadkii ku waxyeeloobay Qaraxaasi.

Wadadan Qaraxa uu ka dhacay ayaa ah mid aad u mashquul badan, maadaama wadadan ay isticmaalaan Gaadiid fara badan, sidoo kalena ay leedahay goobo badan oo Ciidamada ay Gaadiidka ku baaraan.